Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka, sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage, ayaa taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) kala hadlay xoojinta kor u qaadista tababarka ciidanka xoogga , kaddib kulan ay ku yeesheen xarunta wasaaradda Gaashaandhigga.
Howlgalka Midowga Yurub u qaabilsan tababarada ciidanka xoogga dalka ayaa ka shaqeeya sare u qaadista tayada iyo qalabka ciidanka.
Taliyaha ayaa saraakiisha EUTM ugu mahad celiyay taageerada ay siiyaan taliska ciidanka xoogga isagoo ka codsaday in ay sii labo laabaan shaqada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.
Saraakiisha howlgalka EUTM ayaa dhankooda muujiyay sida ay ugu qanacsan yihiin wada shaqeynta kala dhaxeysa taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





