Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Amnesty International oo codsatay in Caddaalada la horgeeyo C/rashiiid Janan

Nairobi (Halqaran.com) – War Caawa  ka soo baxay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International qeybteeda Bariga Afrika, ayaa loogu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xaqiijiso in caddaaladda la horgeeyo Cabdirashii Janan oo Arbacadii maanta la sheegay inuu soo galay gacanta dowladda.

Amnesty ayaa waxa ay sheegtay in Cabdirashiid Janaan uu xadgudyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha uu ka geystay gobolka Gedo, loona baahan yahay in sharciga la marsiiyo.

“Hadda oo Cabdirashiid Janan uu soo galay gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiinta dowladda waa inay xaqiijiyaan in caddaalad iyo isla xisaabtan loo helo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyay [Janan] inuu ka geystay gobolka Gedo. Dhibbaneyaasha iyo qoysaska ay dhibaatadu gaartay waxay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Amnesty International.

Wasiirkii hore ee Amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( Janan) ayaa Arbacadii maanta lagu soo dhaweeyay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, iyagoona bulshada goob fagaaro ah kula hadlay.

Cabdirashiid Janan ayaa Wasiirro ka tirsan Xukuukadda XF Soomaaliya waxaa ay ka soo gelbiyeen deegaanka Najax ee Duleedka degmada BeledXaawo, waxaana la socda Gaadiidka dagaalka iyo Ciidamo tira badan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...