Khartoum (Halqaran.com) – Diyaarad rakaab sidday ayaa si deg deg ah loogu dejiyay garoon ku yaalla dalka Sudan kaddib markii duuliyihii ay weerartay bisad.
Diyaaradda ayaa ku wajahneyd Doha,Qatar. Hal saac iyo bar markii ay hawada ku jirtay ayuu shilku dhacay waxaana dib loogu celiyay garoonka Khartoum.
“Bisad rabsho badan ayaa gudaha u gashay qeybta duuliyaha ka hor inta aysan duulin diyaaraddu balse lama oggeyn.” Warbaahinta maxalliga ah ayaa sidaas ku warrantay.
Rabsho ayaa ka billowday diyaaradda dhexdeeda taas oo ugu dambeyn horseeday in mar kale dib loogu celiyo magaalada Khartoum.
Ma cadda sida ay bisaddu ku gashay gudaha diyaaradda, qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay suura gal tahay in ay gashay intii la nadiifinayay diyaaradda.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





