Tuesday, May 12, 2026
27.6 C
Mogadishu

Waddamada ugu farxadda badan adduunka oo la soo saaray

UK (Halqaran.com) – Waddanka Finland ayaa loo magacaabay waddanka ugu farxadda badan adduunka markii afaraad, warbixinta sanadlaha ah ee waddamada ugu farxadda badan adduunka.

Warbixinta la soo saaray ayaa waxaa kaalinta koowaad ka galay waddanka Finland, halka booska labaad ay gashay waddanka Denmark, iyada oo waddamada Switzerland, Iceland iyo Netherlands ay  kala galeen kaalmaha xiga.

Waddanka New Zealand oo ka baxsan waddamada qaaradda Yurub ayaa ka mid noqday 10-ka waddan ee ugu sareeya waddamada ugu farxadda badan adduunka.

Waddanka Ingiriiska oo ku jiray kaalinta 13aad ayaa markaan waxa uu galay kaalinta 17aad.

Hay’adda sameysay daraasadda ayaa waxa ay su’aalo weydiiyeen dad kala jooga 149 waddan si ay u qiimeeyaan farxadda ay heystaan.

Dhanka kale, waddanka ugu farxadda yar adduunka ayay daraasaddu ku sheegtay waddanka Afghanistan, iyada oo ay ku soo xigaan waddamada Lesotho, Rwanda iyo Zimbabwe.

10-ka waddan ee ugu farxadda badan adduunka ayaa kala ah:

Finland, Denmark, Switzerland, Iceland, Netherlands, Norway, Sweden, Luxembourg, New Zealand iyo waddanka Austria.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...