Wednesday, July 8, 2026
25.9 C
Mogadishu

Baaquli lagu xaraashayo $500,000!

China (Halqaran.com) – Baaquli yar oo la’aamin sanyahay in 600 oo sano ka hor lagu adeegsan jiray Shiinaha ayaa sanadkii 2020 lagu iibiyay $35, hadda waxaa dib loogu iibinayaa 500 oo kun oo doolar.

Markii la iibiyay sawiradiisa waxaa loo diray dad ku taqasusay qiimeynta alaabihii horre waxa ayna sheegeen in baaquligaan la adeegsan jiray sanadihii 1403 illa 1424.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in baaquligaan lagu xaraashi doono 300 oo kun oo doolar illa 500 oo kun oo doolar sida laga soo xigtay suuqa xaraashyada ee New York.

Xarunta Sotheby’s ayaa sheegtay in lix nooc oo baaquliyadaan ah ay jiraan dunida  kuwaas oo adeegsigooda dib loogu celiyo boqortooyadii Yongle taas oo Shiinaha xukumi jirtay 600 oo sano ka hor.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...