Tanzania (Halqaran.com) – Madaxweynihii waddanka Tanzania John Magufuli ayaa geeriyooday, sida ay xaqiijisay Samia Suluhu Hassan oo ah madaxweyne ku xigeenka dalkaas iyada oo dadweynaha kala hadashay TV-ga Qaranka.
Waxa ay sheegtay Samia Suluhu in madaxweyne Magufuli uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Dar es Salaam oo uu ku jiray illaa 6-dii bishan Maarso.
Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay Magufuli oo 61-jir ahaa, muuqaalkiisa lama arag, iyada oo ay jirtay hadal heynta ah in uu geeriyooday.
Samia Suluhu ayaa sababta geeridiisa ku sheegtay xanuun dhanka wadnaha ah oo uu la tacaalayay 10-kii sano ee la soo dhaafay.
Sida uu qabo dastuurka waddanka Tanzania, Samia Suluhu ayaa loo dhaarin doonaa madaxweynaha dalkaas, iyada oo dhammeystiri doonta xilliga u harsanaa Magufuli oo shan sano ah.
Waxa ayna noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Tanzania iyo weliba dalalka bariga Afrika.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





