Friday, May 1, 2026
28.4 C
Mogadishu

Shariif Sh. Axmed oo maanta booqday Qoyska Madaxweynihii hore ee dalka AUN Cali Mahdi +(SAWIRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed, ayaa Arbacadii maanta tacsi ugu tagay qoyska Madaxweynihii hore ee dalka, marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa sidoo kale saxiixay buugga tacsida ee Madaxweynihii hore ee dalka.

“Waxaan maanta tacsi ugu tagnay qoyska Madaxweynihii hore ee dalka, Allaha u naxariistee walaalkeen Cali Mahdi Maxamed, oo aan sidoo kale soo sixiixnay buugga tacsida qaran.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale yiri “, Waxaan Allaah u weydiinay dembi dhaaf iyo inuu u naxariisto marxuumka, oo dadaal badan ku bixiyay sidii dalkan loo horumarin lahaa.”

Marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa 10-kii bishan ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, iyadoona 12-kii bishan lagu aasay Magaalada Muqdisho.

Marxuum Cali Mahdi ayaa xilka madaxtinimada ee dalka loo magacaabay 1991-kii, isagoona noqday Madaxweynihii 4aad ee dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...