Friday, May 1, 2026
28.4 C
Mogadishu

RW Rooble oo kulan muhiim ah la yeeshay Musharrax Madaxweyne Jibriil Cabdulle +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe Arbacada maanta lah a kulmay Musharrax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle.

RW Rooble iyo Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka wadahadlay, sidii doorasho xor iyo xalaal ah ay dalka uga dhici laheyd.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle, oo ay ka wadahadleen sidii doorasho nabdoon oo daah furan dalka uga dhici laheyd.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisal Wasaaruhu ku leeyahay Facebook.

Mr. Rooble ayaa horaan sheegay in xafiiskiisa uu u furan yahay cid kasta oo tabasho ka qabto hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka dalka.

Ugu dambeyn, waxay aheyd 4-tii bishan markii uu fashil ku soo dhammaaday kulan Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Xubnaha Midowga Musharraxiinta qaarkood ku yeesheen Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho, kulankaasi ayaana daba socday laba kulan oo hore oo hotelkaasi ay ku yeesheen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...