Hague (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u diiday in ay maanta soo bandhigto doodeeda ku aadan dacwada badda, kadib markii labadii maalmood ee las oo dhaafay difaacatay Soomaaliya.
Maxkamada ICJ ayaa ku wargalisay in Soomaaliya ay jeediso gunaanadka dacwadda Soomaaliya, kadib markii ay Kenya fashilantay.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed ayaa sheegay in ay berrito maxkamdda ka horjeedin doonaan gunaanadka dhageysiga dacwadda ee Soomaaliya.
Khamiista berri saacadda markay ku beegan 3:00PM ay Maxkamadda ICJ dhagaysan doonta gunaanadka Dacwadda ee Soomaaliya.
Sida lagu soo warramayo wixii berri ka dambeeya la sugi doona go’aanka Maxkamada ICJ.
Kala soco wixii warar ah ee ku soo kordha Halqaran News.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





