Muqdisho (Halqaran.com) – Sida uu xaqiijiyay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda kulan ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya ee murugsan.
Ergayga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa lagu wadaa in warbixinadii ugu dambeeyay ee dadaalada Qaramada Midoobay u gudbiyo shirka.
Golaha ammaanka ayaa xoogga saaraya sidii loo qaban lahaa Doorashooyinka Soomaaliya muddo gaaban si xasiloon oo ay wada ogol yihiin Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo gacmahooda ku saxiixay 17-ka September 2020.
Fadhiga Golaha ammaanka oo ku qabsoomaya Muuqaalka Fogaan-aragga waxaa dhankooda la dhageysnayaa danjirayaasha wakiilka ka ah 5-ta dal ee joogtada ah iyo 10-kale ee ku yimaada Doorashooyinka si xog-uruurintooda gabagabada kulanka loogu soo daro War-saxaafadeedka ku xusan natiijada kulankaas.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





