Jabuuti (Halqaran.com) – Qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa qaadacay doorashada dalkaasi ka dhaceysa 9-ka bisha soo socota ee April.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii 5aad u taagan xilka madaxtinimada ee dalkaasi, waxaana uu 6dii bishan sheegay in markii ugu dambeysay ay tahay oo xilkaasi uu isu soo sharaxo.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Jabuuti ee Rad, Cabdiraxmaan Maxamed Geelle ayaa sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ay doorashada u qaadaceen, iyadoo aanay doorashadu ahayn mid xor iyo xalaal ah.
“Waxaan xaqiijineynaa in doorashada madaxtinimo ee bisha April 9-keeda dalka ka dhaceysa aan anagu qaadacnay xisbi ahaan. Dhammaan Mucaaradka Jabuutina wuu qaadacay doorashada, oo aynaan jirin cid Mucaaradka meteleysa oo ka qaybgaleysa doorashada, waayo doorashadaasi waxaan u aragnaa inay xaaraan tahay oo lagu shubanayo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Cabdiraxmaan Maxamed Geelle, guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Jabuuti ee Rad oo la hadlay BBC ayaa yiri “Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti doorashooyin xor iyo xalaal ahi kama dhacaan, taas waxaa cadeynaya in Guddiga Doorashada Jabuuti ay hoos-taggaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, oo isagu gacanta ku hayo.”
Sidoo kale, wuxuu yiri, “Waxaan heshiis la galnay dowladda 2014-kii, si loo helo guddi ka madaxbannaan dowladda iyo taliska, laakiin nasiib-darro taasi waa ay socon weyday.”
Guddoomiyaha Xisbiga Rad ayaa Madaxweyne Geelle ku eedeeyay inaanu dalka ka qaban doorasho lagu qanci karo, muddadii uu xafiiska joogay.
“Waxaa la ogyahay in Ismaaciil Cumar Geelle, tan iyo laba iyo labaatankii sanadood uunan dalka ka qaban-qaabinin doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo xukunkana uu xoog ku haysto.” Ayuu yiri Guddoomiye Geelle.
Si kastaba, xafiiska Madaxweynaha Jabuuti ayaa dalkaasi ka bilaabay ololaha uu markii 5aad oo xiriir ah uu Madaxweynuhu ugu tartamayo xilka madaxtinimada ee dalkaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





