UK (Halqaran.com) – Wareysi qiiro leh oo ay siisay weriyaha caanka ah ee Oprah Winfrey, ayay Meghan ku sheegtay in midab takoor ay ka dareentay Qoyska Boqortooyada Ingiriiska, taas oo kaalin ka qaadatay fikradeheeda ah in ay isdisho.
Meghan ayaa sheegtay sida ay u dareentay kalinimo kaddib markii ay kubiirtay Qoyska Boqortooyada iyo in xoriyadeedii la lumiyay “Markii aan ku biiray qoyskaas, waxa ay aheyd markii iigu dambeysay ee aan dareemo xoriyad illaa aan halkaan imid oo aan arkay baasa-boorkeyga,leesinka darawalnimada iyo furayaasheyda” Ayay tiri Meghan Markle.
Midab takoor ka dhex jira qasriga boqortooyada ayaa keentay dareenkeeda ku aadan in aysan dooneynin in ay sii noolaato sida ay sheegtay Meghan.
Meghan ayaa sheegtay in wiilkeeda Archie inta uusan dhalan ka hor in qoyska boqortooyada uu ka jiray “Walaac iyo wada hadal ku saabsan sida uu noqon doono maqaarkiisa marka uu dhasho.”
Lamaanahaan ayaa wareysiga ku sheegay in ay filanayaan inay gabar u dhalato xagaaga.
Buckingham Palace ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in “ qoyska boqortooyada ay ka murugeysan yihiin dhibaatada soo gaartay lamaanahaan.”
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





