Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqo joojin ku sameeyay Gudoomiyihii Degmada Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
Deni ayaa xeer uu soo saaray shaqada uga joojiyay Guddoomiyaha, iyadoona uu xilkaasi sii hayn doono Ku-xigeenkiisa.
Xeerka Madaxweynaha ayaa u qornaa sidaan:-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka Maarso 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Gudomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad
Markuu arkay: Eedaymaha la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka Maamulka Dhaqaalaha ee Degmada Boosaaso
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imanaya shacabka Degmada Boosaaso
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa shaqada laga joojiyay Gudomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
- Waxaa shaqada sii wadaya Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Degmadda Boosaaso.
- Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan Maamulka iyo Maareynta
Xeerkan waxaa uu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, wuuna saxiixay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





