Cape Town (Halqaran.com) – Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaas waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Ganacsatada ku nool dalkaas, iyaga oo goobta ka baxsaday.
Allaha u naxariisto, marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Salaad, waxaana xilliga la dilayay uu ku sugnaa dukaankiisa oo ku yaal xaafadda Philibi ee Magaladda Cape Town.
Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dilka kadib Kooxaha Burcadda ah ay muwaadinka Soomaaliyeed gacmaha iyo lugaha ka xireen ugana dhex tageen dukankiisa.
Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen Kooxihii Burcadda ahaa ee dilka geystay, hayeeshee aysan ku guuleysan inay qabtaan.
Dilka Muwaadinka Soomaaliyeed loogu geystay dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli xalay Booliska dalkaas ay sheegeen inay qabteen Saddex Burcad ah oo lagu tuhmayo dilka Afar Dhalinyaro Soomaaliyeed ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





