Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Shiinaha oo laga cirib tiray saboolnimada aadka u daran!

China (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha dalka Shiinaha ayaa ku dhawaaqay in Shiinuhu uu cirib tiray saboolnimada aadka u daran, isagoona ku tilmaamay guushaas in ay tahay mid mucjiso ah.

Boqolaal Milyan oo Shiinaha u dhashay ayaa ka samata baxay saboolnimada aadka u daran gudaha dalka Shiinaha tan iyo markii la soo rogay isbaddello dhaqaale sanadkii 1980-kii.

Beijing ayaa sheegeysa in la caawiyay boqol milyan oo qof muddadii uu xilka hayay Mr Xi, hasayeeshee qubarro u dhalatay Shiinaha waxa ay sheegayaan in qeexitaanka saboolnimada ba’an ay tahay mid hooseysa oo ayna jirto isla ekaansho la’aan xaga daqliga ah.

Sanadkii la soo dhaafay Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha ayaa waxa uu sheegay in 600 oo milyan oo qof aysan awood u laheyn in ay qol ka kireystaan magaalooyinka waa weyn ee Shiinaha.

Sanadkaan ayaan u ah sanadka ugu dambeeya Shiinaha in uu gaaro himilooyinka cirib tirka faqriga, dadka saboolka ah ee reer miyiga ah ayaa hoos loo dhigay 98 milyan dhamaadkii 2012 ilaa 5.51 milyan sanadkii 2019-kii.

Sayid Omar Hajji –  Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...