Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Midowga Musharraxiinta oo kormeeray Daljirka Daahsoon +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa galabta koormeeray Taalada Daljirka Dahsoon oo berri uu ka dhici doono Banaanbax weyn oo looga soo horjeedo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo xileedkii la doortay uu dhamaaday.

Midowga Musharraxiinta ayaa sidoo kale socod ku soo maray Hoteelka Naasa hablood ilaa Taallada, waxana shacabka Muqdisho ay ka dalbeen in ay maalinta berri ay soo xaadiraan banaanbaxa weyn ee looga soo horjeedo dowladda waqtigeedii dhamaaday.

Gudoomiyaha Midowga Musharraxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in maalinta berri ay tahay maalin taariikhi oo guul weyn u soo hoyn doonta bulshada.

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in ilaaliyo sharciga uuna qabto doorashada loogu wada qanacsan yahay oo ay qeyb yihiin dhammaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...