Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Midowga Musharraxiinta oo ku baaqay Bannaanbax Nabadeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa ka hadlay muddo xilkeedka Madaxweyne Farmaajo ee dhammaaday iyo khilafka weli ka jira doorashada Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maalintii lixaad si sharci darro ah ku joogo Villa Soomaaliya, isaga oo uu dhammaaday muddo xileedkiisa.

Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha ayaa sheegay in dalkaan ay aheyd in ay ka dhacaan doorashooyin, hayeeshee aysan muuqan ifafaallo ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, islamarkaana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay isku tashadaan.

Sheekh Shariif waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Madaxda dowladda ee muddo xileedkooda uu dhammaaday aysan xalka qeyb ka aheyn, waxaana uu ku dhawaaqaan bannaanbax nabadeed oo uu sheegay in lagu dalbanayo inay dhacaan doorashooyin loo dhan yahay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagana hadlay ayaa waxaa uu sheegay in banaanbaxaas uu maalinta Jimca ah ee soo socota oo taariikhda ku beegan tahay 19-ka Febraayo 2021 uu ka dhacayo Taalldada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Si kastaba, midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa ay ku dhawaaqeen bannaanbaxyo, balse aysan dhicin, hayeeshee waxaa jirtay in bannaanbax ka dhacay degmada Yaaqshiid inay ka dhalatay is rasaaseyn dhex-martay ciidamada dowladda iyo kuwo ilaalo ka hayay dadka bannaanbaxayay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...