Sh/Hoose (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaya dagaal khasaaro kala duwan geystay oo xalay ka dhacay degmada Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyay ciidamada Uganda oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Ururka Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Uganda oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka degmada Buulo-Mareer ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay maadaama xilli habeen ah uu dhacay dagaalka.
Waxaa jira khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse laamaha amniga degmada Buulo-Mareer iyo Saraakiisha Ciidamada Uganda weli kama hadlin dagaalka ka dhacay degmadaasi Buulo-Mareer.
Ugu dambeyn, Xaaladda degmada Buulo-Mareer ayaa lagu soo waramayaa inay hadda degan tahay, islamarkaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u shaqeeynayaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





