Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo gaaray gobolka Gedo

Doolow (Halqaran.com) – Wafdi uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda  XF Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa ay Khamiistii Maanta gaareen degmada Dooloow ee gobolka Gedo, iyadoo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ah, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Warfaafinta iyo saraakiil ciidan, waxaana ay halkaasi kula kulmeen Maamulka degmada Doolow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmadaas.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa u gudbay dhinaca degmada BeledXaawo ee gobolka Gedo, iyaga oo halkaasi u tegaya qiimeynta khasaaraha gaaray shacabka, halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Wafdigan ayaa la kulmi doona mas’uuliyiinta Maamulka degmada BeledXaawo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ugu dambeyn, Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale booqan doona saldhigyada Ciidamada DF Soomaaliya ee degmadaasi BeledXaawo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...