Tuesday, May 12, 2026
27.9 C
Mogadishu

Wasiirka Qorsheynta ee XFS oo la kulmay xubno ka socda Xafiiska QM ee Soomaaliya +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaraanka Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda kulan kula qaatay xubno ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay  ku-xigeenka wakiilka  Qaramada Midoobay Soomaaliya Mr:  Adam Abdelmoula, ayaa looga hadlay dar-dar galinta shaqooyinka arrimaha beni’aadinimada, horumarinta dhinacyada arrrimaha bulshada iyo deggaanka.

Kulanka waxaa  uu ahmiyad gaar ah siinayaa howlgelinta qaab-dhismeedka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo dar-dar galinaya howlaha baaxadda leh ee ku cad Qorshaha Hourmarinta Qaranka iyo Istaraatijayada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 2021-2025.

Sidoo kale waxaa la is la gartay in la xoojiyo arrimaha beni’aadinimo ee haatan taagan, sida in xarunta ka jawaab celinta  dhibaatooyinka in ay si buuxda u shaqeyso, iyo xoojinta adeegyada nidaamka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in ay qeyb ka noqoto xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya isku-duwida ay hoggaanka u tahay dowladda (Government led-Coordination).

Waxaa Wasiirka ku wehliyay shirka qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Qorsheynta, iyada oo kullanka la isku raacay in la xoojiyo horumairnta arrimaha kor lagu xusay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...