Friday, June 5, 2026
26.7 C
Mogadishu

Nabaddoono maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar na soo gaaraya ayaa sheegaya, in laba nin oo Nabadoono ahaa maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Dilka odayaashaasi ayaa waxaa gaystay rag bastoolad ku hubeysnaa.

Ciidamada Booliska ee Suuqa Bakaaraha ka hawlgala ayaa goobtaasi gaaray, xilli ay baxsadeen raggii dilka gaystay.

Ururka Al-Shabaab ee dalka ka dagaalama ayaa u muuqda kuwa weeraradii tooska iyo is qarxinta ahaa u bedelay qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda, inkastoo xilliyada qaarkood ay magaalada ka gaystaan qaraxyada ay fuliyaan mintidiinta u bareeray in ay nafsadahooda halligaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...