Friday, May 1, 2026
28.1 C
Mogadishu

Duqeyn lagu dilay Saraakiil Madax u ahaa Ajaaniibta Al-Shabaab

J/hoose (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah kasoo baxeysa qasaaraha ka dhashey duqeyn dhanka cirka ah oo dhacday deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbooyinka laguna beegsadey Xarumo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Duqeymaha oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Soomaaliya waxaa ay sheegeen in lagu dilay Sarkaalkii Madaxda u ahaa Ajaanibta Al-Shabaab, kaas oo Magaciisa lagu sheegay Sheekh Thaabit iyo saraakiil la socotey.

Sidoo kale, duqeynta 1aad oo ka dhacday degmada Jilib ayaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda sheegeen in lala beegsadey Saddex Xarumood oo ay lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay duqeyntaas.

Dhinaca kale, Wararka la helay ayaa sheegaya in  diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helecopter-ka ay duqeymo ka geysteen Saldhig ku yaala degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose xilli ay Al-Shabaab isku diyaarinayeen in ay weerar ku qaadaan deegaanka Baarsanguuni, sida laga soo xigtey saraakiil ka tirsan hay`adaha Ammaanka Soomaaliya

Saraakiisha hay’adaha Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Jamaame lagu burburiyay Todobo gaari oo nooca dagaalka ah, balse aan la xaqiijin khasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Ugu dambeyn, Mreykanka ayaa kordhiyay labadii todobaad ee soo dhaafay duqeymaha dhanka Cirka ah, xilli intooda badan Ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...