Ra’iisul Wasaare Rooble oo amar adag siiyay Hay’adaha Amniga Somaliya

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay dilkii xalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun.

Mr. Rooble ayaa marka hore u tacsiyadeeyay Ehellada iyo saaxiibadii uu ka baxay, iyada oo Hay’adaha Amniga uu amray inay soo qabtaan dadkii dilay Guddoomiyihii degmada Hodan.

”Waxaan tacsi tiiraanyo leh u darayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdikariin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho. Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo‘‘, ayuu yiri RW Rooble.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa raaciyay Mr. Rooble, ‘‘Waxaan farayaa hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada ah.”

Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa sheegay in Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun uu ku dhintay israsaaseyn ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com