Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtidii Maanta Muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyay gurigiisa.
Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa muddo 30 sanno ah gurigiisa xoog looga heystay, kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaana maanta dib ugu celiyay maamulka gobolka banaadir .
Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in magaalada Muqdisho gudaheeda guryaha la iskaga baado.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa waxa uu bulshada ugu baqaay cidkastaa oo guri si sharci darro ah ku heysato in ay ku wareejiso shaqsigii lahaa .

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





