Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Maxaa la isku afgartay kulankii Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Midowga Musharraxiinta?

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyo Xubnaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha, kulankaas oo looga hadlay arrimaha la xiriira muranka ka taagan doorashooyinka.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga doodeen ismari waaga ka taagan arrimaha doorashada iyo go’aanki Xukuumadda, iyadoo Madaxweyne Laftagareen uu markii dambe qaatay door ku saabsan xalka arrimaha cakiran si la isgu soo dhawaado.

Wararka kale ee kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay ka dalbadaeen Midowga Musharraxiinta inay u soo gudbiyaan magacyada xubnaha Guddiyada doorashada lagu muransan yahay ee ay cabashada ka keeneen, hayeeshee shalay Musharax Daahir Geelle uu sheegay in sababo amni dartood aysan u gudbin doonin Magacyada xubnaha ku jira Guddiga ee ka tirsan NISA.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa ka codsaday Midowga Musharraxiinta inay la hadlaan Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland inay soo magacabaan Guddiyada doorashada ee aanay weli soo gudbin, si howlaha kala taagan la isugu soo dhoweeyo.

Ugu dambeyn, go’aankii Xukuumadda Soomaaliya iyo Saddexda Dowlad Goboleed ay ku dhawaaqeen ee ah in doorashooyinka la bilaabo ayaa walaac badan abuuray, iyada oo midowga Musharraxiinta, guddoomiyaha aqalka sare iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay kasoo horjeesteen go’aankaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...