Friday, May 15, 2026
27.7 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Weerar lagu qaaday Saldhig ay ku sugnayeen ciidanka DF Somaliya

Gedo (Halqaran.com) – Waxaa saacadihii la soo dhaafay, ciidamada xogoga dalka Soomaaliya ay howlgallo kala duwan ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo, kaddib weerar ay kala kulmeen Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa saraakiisha howlgalka hoggamineysa waxaa ay sheegeen inay si gaar ah howlgalka uga sameeyeen deegaannada, Meyka-reebo Meysqode iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Cismaan Sheekh Cabdi Qorax, abaaduulaha Guutada 10aad qeybta 43aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada, islamarkaana weerarkaas ay Ciidamada dowladda fashiliyeen.

Waxa uu sheegay in weerarkaas ay ciidamada howlgallo uga jawabeen, kaas oo ay ka fuliyeen deegaano degmada Garbahaareey u jira 25km, Sidoo kalena dagaal kooban ay la galeen ay khasaaro ku garsiiyeen.

Ugu dambeyn, wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaannadii ay ciidamada Dowladda howlgalka ka fuliyeen ee lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...