Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Shirka Madasha Aragti Wadaaga oo ka furmay Garoowe & Arrimo muhiim ah oo looga hadlayo +(SAWIRRO)

(Halqaran.com) –  Waxaa Arbacada maanta ah magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal si rasmi ah uga furmay Shirka Aragti wadaaga Machadka Heritage, kaas oo looga hadlayo Arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya, Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka,  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, qaar kamid ah madaxda dowlad Goboleedyada, Xubno kamid ah Midowga Musharraxiinta iyo Ururada Bulshada rayidka iyo dad kale oo lagu casuumay.

Shirka Aragti wadaaga Machadka Heritage oo sanadkiiba mar lagu qaban jiray dalka Jabuuti ayaa markii ugu horreeysay lagu qabanayaa gudaha Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona muddo Saddex Cisho sanadkaan ayaa waxaa looga hadlayaa xasilinta dalka ee dhanka Amniga, Dhammeystirka Dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo yagleelida nidaam Federaal oo Shaqeynaya.

Ugu dambeyn, inta badan siyaasiyiinta xilalka haya iyo kuwa aan xilalka haayin ayaa shirka khudbado ka jeedin doona, waxaana shirka hadal ka jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxana uu sheegay in loo baahan yahay siyaasad degan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...