Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Madaxweyne Qoorqoor oo ka tegay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa Magaalada Garoowe uu uga qeybgeli doonaa Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Madax ka tirsan dowladda, Dowlad goboleedyada iyo Midowga Musharraxiinta.
Saacadaha soo soca ayaa waxaa la filayaa in Magalada Garoowe ay gaaraan wufuud kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada Garoowe, waxana Maanta la arkayay Ciidamada Ammaanka Puntland oo howlgallo gaadiidka iyo dadka saran lagu baarayo, iyaga oo ka sameynaya magalada Garoowe.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





