Friday, June 26, 2026
25.3 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Khasaarihii ka dhashay Banaanbixii Beledweyne

Beledweyne (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada, iyadoo duhurkii maanta uu halkaasi ka bilowdeen dibadbaxo rabshado wata.

Ciidamada ammaanka ayaa rasaas u adeegsaday banaanbaxayaasha , waxaana la sheegay in ilaa Sddex ruux ay ku dhawacmeen rasaastii ay fureen Ciidamada oo ay ku jirto haweeneey kamid ah dadka Magaalada Beledweyne.

Wadada laamiga ah ee dhex-marta Magaalada Beledweyne ayaa xiran, waxaana dhagxaan waaweyn iyo kuwa yaryar ku jaray dadka banaanbaxayaasha ah, iyadoo mararka qaar la maqlayo rasaas ay ridayaan Ciidamada Ammaanka.

Dadka banaanbaxa dhigaya oo ku sugnaa afaafka hore ee Xarunta Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay kamid yihiin Hirshabeelle Dooni meyno iyo kuwo kale, waxana inta baan xiran goobaha Ganacsiga ee Magaalada.

Banaanbaxa rabshadaha watay ee ka dhacay Magaalada Beledwyene ee xarunat gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu daba socday, kadib markii saaka arroortii hore ay Ciidamada ammaanka xireen tiro dad ah oo u ku jiiro Afhayeenka jabhadda Janeraal Xuud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...