Waxaa la ogeysiinayaa, looguna bishaareynayaa bulsho weynta Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan, in Shirkadda IFIYTE TECHNOLOGY INC (www.ifiyetech.com), oo ah Shirkad cusub oo Web Hosting (Marti-geliye), Registrar Domain Names (Magac Diiwaangeliye) iyo Web Designing (Nashqadeen) ay dhawaan si rasmi ah u billowday howlaheeda horumarinta iyo sameynta Website-yada nooc walba ah, kuwaasi oo isugu jira, Shakhsi (Personal Website), Ganacsiga (eCommerce) iyo kuwa Hay’adaha Maxalliga ah (NGOs).
Howlaha iyo Waxqabadka Shirkadda IFIYE TECHNOLOGY INC intaa kuma koobna oo kaliye, waxay kaloo bulshada Soomaaliyeed ugu talagashay inay u tababarto howlaha ay u qabato Macaamiisheeda.
IFIYE TECHNOLOGY INC oo ah hoyga marti-gelinta, horumarinta iyo abuurista Website-yada ayaa waxaa kugu diyaar ah Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku takhasusay cilmiga IT-ga (Information Technology), kuwaasi oo xilli walba diyaar la ah in Afkaada Hooyo kugu qanciyaan howlaha aad u igmato.
Hal-heyska IFIYE TECHNOLOGY INC waa Karti, Aqoon, shaqo hufan iyo qiimo ku raali-geliya.
Haddaba booqo website-kooda www.ifiyetech.com ama kala xiriir ciwaankooda: info@ifiyetech.com.
Mahadsanidiin.
Madaxa sare Shirkadda Eng. Abdifatah Hassan Adde





