Friday, May 22, 2026
30.9 C
Mogadishu

Dowladda Federaalka oo shaacisay qarashka ku baxaya doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka maaliyadda xukuumadda FS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo marti ku ahaa barnaamijka dood furan ee SNTV ayaa xusay in wasaaradda maaliyadda dalka iyo hay’adaha dawliga ah ee u xilsaaran ilaalinta hantida dawladda ay ka shaqaynayaan in hantida dawladda aan si qaldan loogu adeegsan doorashada soo socota ee heer Federaal.

Waxa uu sheegay in qarashka ku baxaya doorashada dhammaystirkeeda ay ka wada shaqaynayaan beesha caalamka iyo dawladda 27-da bishan si loo diyaariyo lacagta doorashada oo lagu qiimeeyey ilaa 40-milyan oo Doller, islamarkaana dawladdu bixinayso 10% oo u dhiganta 4-milyan oo Doller, taas oo lagu caddeeyey miisaaniyadda 2021-da.

Lacagtaas ayaa loo qoondeeyey in lagu fuliyo hawlaha baaxadda leh ee doorashada, sida safarada gudiyada doorashada heer Federaal iyo heer dawlad goboleed, goobaha ay dagayaan, xafiisyada shaqada, tababarrada Ergada iyo gunooyinka hawlwadeenada.

“Ma jiri doonto lacag aan intaas ahayn in loo istcimaalo doorashada, mana dhici karto, wasiirku xitaa qasnadda dawladda lacag kama saari karo hannaanka maaliyadeed baa diidaya” ayuu yiri wasiir Beyle.

Dhinaca kale wasiirka maaliyadda xukuumadda FS ayaa xusay in aanu jirin dawlad ama hay’ad caalami ah oo Soomaaliya ka joojisay lacag ay siin jirtay sabab la xiriirta doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana uu xusay in xiriirka wada shaqayneed ee Soomaaliyada la leedahay Bankiyada caalamiga ah iyo hay’adaha dhaqaalaha adduunka uu yahay mid wanaagsan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...