Friday, May 22, 2026
30.9 C
Mogadishu

Dhoofinta Xoolaha iyo Liin dhanaanta oo ka bilowday Dekedda Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa dekedda magaalada Kismaayo oo kaalin weyna ku leh dhaqdhaqaaqa ganacsiyada ee qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka bilowday dhoofka xoolaha, sisinta iyo liin dhanaanta.

Maareeyaha Dekedda Kismaayo Axmed Xaaji oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in tallaabadaan u jeedada laga leeyahay ay tahay sidii sare loogu qaado dhaqaallaha kasoo xarooda dekedda oo maamulka Jubbaland uu ku tiirsan yahay.

Axmed Xaaji ayaa xusay in dekedda ay kusoo xirtaan maalinkii maraakiib kala duwan oo kala yimaada dalalka Khaliijka, kuwaasoo keena badeecooyin kala duwan, isagoo sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo dekedda Kismaayo ay laga dhoofinaayo xolaha.

Sidoo kale, Maareeyaha Dekedda Kismaayo ayaa xusay, in ay fursad u tahay ganacsatada deegaanada maamulka Jubbaland oo dhibaato u mari jiray si ay u dhoofiyaan xoolaha.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeeysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee dhoofin noocan ah ay sameysay dekedda Kismaayo.

Dekedda ayaa waxaa subax kasta u shaqa taga shaqaalo ka badan afar kun oo qof oo xoogsato u badan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...