Sunday, April 19, 2026
27.9 C
Mogadishu

Fanaankii Caanka ahaa ‘Cabdi Cali Bacalwaan’ oo geeriyooday

Germany (Halqaran.com) – Alle ha u Naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe dalka Germany ku geeriyooday Fanaankii weynaa ee Cabdi Cali Bacalwaan oo maalmihii la soo dhaafay xanuunsanayay.

Fannaanka ayaa la sheegay in uu u geeriyooday cudurka Covid-19 oo dhibaato ba’an ku haya Caalamka, waxaana la sheegay in Marxuumka ay xaaladiisa caafimaad liidatay maalmihii u dambeeyay, wuxuuna ku jiray Coma oo ah xaalad miir dabool ah .

Alle ha u Naxariistee Cabdi Cali Bacalwaan wuxuu ka mid ahaa fannaaniintii ciidanka xoogga dalka la oran jiray ee uu madaxda u ahaa Cismaan-askari Aadan Xuseen ka hor dowladdii Kacaanka.

Marxuumka wuxuu ahaa heesaa, mu’allif iyo weliba laxamiiste , laxannadiisa waxa ka mid ahaa midka uu saaray heesta Afrikaay hurudooy oo uu allifay Ismaaciil Xirsi Farxaan, markii koowaaadna ay qaaday Saynab-baxsan Xaaji Cali Siigaale balse ay Magool ku caanbaxday.

AUN Cabdi Cali Bacalwaan ayaa ka mid ahaa tiirarkii kooxda qaranka ee hobalada Waabari.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...