Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Xasan Sheekh ”Waa Dulmi waxa ka socda gobolka Gedo”

Muqdisho (Halqaran.com) – Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay xaalada xiligaan ka taagan Gobolka Gedo, isagoona ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay burburin ka wadaan gobolka Gedo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka qeyb-galayay Barnaamij dood ah oo looga hadlayay arrimaha diblumaasiyadda iyo doorashooyinka ayaa sheegay in arrinta gobolka Gedo ay u baahan tahay in wada-hadal lagu dhameeyo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in dowladda Federaalka ay dhahdo in Gobolka Gedo kama tirsana maamulka Jubbaland, islamarkaana ay doonayaan inay maamulaan doorashooyinka ka dhacaya.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda DF Soomaaliya inay gobolka Gedo ka wadaan dulmi iyo dumin siyaasadeed, waxaana uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in arrintasi uu ka laabto.

Si kastaba ha’ahaatee, arrinta gobolka Gedo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay noqotay mid isha lagu wada haayo, waxaana maalmahan ka socda xiisada dagaal, iyada oo DF Somaliya ay Ciidamo farabadan geysay.

Halka hoose ka dhageyso Codka Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh:

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...