Garoowe (Halqaran.com) – Maxamuud Xaaji Saalax oo ah wasiirkii Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowlad goboleedka Puntland ayaa iska casilay xilkii Wasiirnimo, isaga oo si rasmi ah warqadda is casilaada ugu gudbiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Wasiirka ayaa waxa uu ku sheegay, sababaha uu isku casilay in Madaxweynaha Puntland ay isku fahmi waayeen Nidaamka shaqo ee Wasaaradda Kalluumeysiga, taas oo ku dhalisay in uu xilka ka tago.
Ilaa iyo hadda ma jirto faah faahin kale ee uu ka bixiyay sababaha keenay in uu iscasilo.
Balse warar ayaa sheegaya, in maalmihii la soo dhaafay uu jiray khilaaf xoogan oo dhex jiray Wasaaradda, taas oo sababtay in gacan ka hadal uu ka dhaco gudaha Xarunta.
Haddaba halka hoose ka akhriso qoraalka Iscasilaadda ee uu u gudbiyay Madaxweyne Deni.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






