Wednesday, July 15, 2026
26.1 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo sheegtay inay cadaadis kala kulantay IGAD

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in markii ay tageen dalka Jabuuti in ay u diyaar garoobeen in ay soo bandhigaan xaqiiqda eedeymaha ay u jeediyeen dowladda Kenya.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay wasiirka in Madaxda IGAD ay caddaadis ku saareen in arrintaasi si hoose loo xaliyo laguna xaliyo qaab wadahadal ah oo aan imaan shirka IGAD, sidoo kalena guddi gaar ah loo saaro.

Wasiirka waxaa uu sidoo kale rajo wanaagsan uu ka muujiyay in dib loo soo celiyo xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya dalka.

‘‘Dad badan waxaa laga yaabaa inay ka walwalsan yihiin Soomaaliya iyo Kenya in xiriirkooda  xumaaday laakiin waxaa ogaataan Kenya iyo Soomaaliya waa labo dal oo deris ah inay yihiin, xiriir aad u dheer I uu ka dhaxeeyo, dad badan Soomaali iyo Kenyan ah ay faa’ido u leedahay xiriirka oo wanaagsanaada, Kenya iyo Soomaaliya ay ku qasban yihiin inay soo ceshadaan xiriirkooda, waqtiga ay munaasabka tahay sida ugu munaasibsan oo uu ku doo noqonaayo xiriirkaas”, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa waxa ay soo saareen war mutiyeed ay ku soo koobeen waxyaabihii ay kaga hadleen shirkii ay shalay ku yeesheen magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Shirka oo ahaa mid aan caadi ahayn ayaa waxyaabihii loogaga hadlay waxaa ka mid ahaa arrimaha dalalka ururkaas xubnaha ka ah sida Suudaan, South Sudan, Itoobiya, Soomaaliya iyo cudurka safmarka ah ee dunida halakeeyay.

Si kastaba, war-murtiyeedka meelna loogama sheegin waxa ay madaxda iska tiri khilaafka diblumaasiyadeed ee soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...