Sunday, June 14, 2026
26.5 C
Mogadishu

Ururada Bulshada Rayid oo billaabay dhex-dhexaadinta DFS iyo Midowga Musharraxiinta

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen caqabadaha weli ku hor gudban doorashada 2020/2021 iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in hoggaanka ururada bulshada rayidka ay Midowga Musharraxiinta ka codsadeen in ay dhex dhexaadin ka sameeyaan caqabadaha arrimaha doorashooyinka ee taagan,.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu in Midowga Musharraxiinta ay soo dhoweynayaan doorka dhex dhexaadinta ee ay qaateen ururada bulshada rayidka.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax ayaa dhankiisa sheegay in kulankan uu bilow u yahay dhex dhexaadin ay ka galayaan caqabaha jira iyo arimaha lagu muransan yahay ee guddiga doorashooyinka, isagoo xusay in ay la kulmi doonaan madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka si xal iyo heshiis loo dhan yahay looga gaaro doorashada Soomaaliya 2020/2021.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...