Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Shacabka Mandera oo codsaday in deegaanadooda laga saaro ciidamada C/rashiid Janan

Mandera (Halqaran.com) – Qaar ka mid ah shacabka magaalada Mandera ee woqooyi bari Kenya ayaa maamulka dowladda dhexe ee Kenya u gudbiyay cabasho ku aadan ciidamo ay sheegeen in ay saldhigyo ka sameysteen beero ay leeyihiin dad shacab ah oo ku yaal duleedka magaaladaasi.

Golaha muslimiinta ee Kenya ee loo soo SUPKEM laanteeda Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa cabasho u gudbiyay dowladda dalkaasi oo ka dhan ah wasiirka amniga Jubaland ee Cabdirashiid Janan.

Guddoomiyaha golaha SUPKEM ee Mandera, Cabdulmajiid Khaliif Maxamed oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudaheed ay doonayaan in Janan uu uga baxo Magaalada.

“Dowladda ayaan warbixinteenna u gudbinnay maamulkana wuxuu noo sheegay inuu arrinkan madaxweynaha u gudbin doono, waxaana aaminsannahay inay codsigeena tixgelin doonan, muddo 48 saacadood gudahood ah inay Janan ka saran ayaan doonaynaa” Ayuu yiri.

Shacabkan oo isugu jiro cuqaal, culimo iyo haweenka magaalada ayaa maanta cabashadooda hor dhigay mas’uulka dowladda dhexe wakiilka ugu ah deegaanka Mandera, iyagoona codsaday in 48-saac gudadood laga saaro ciidamo uu wado wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) oo ay sheegeen in uu deggan yahay magaalada duleedkeeda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...