Monday, June 22, 2026
27 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo shuruud ku xiray magacaabista xubnaha guddiga doorashoyinka

Garoowe (Halqaran.com) – Waxaa weli magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal uu kulan uga socdaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xusee Rooble iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka oo maalintii labaad galay ayaa waxaa jira isfaham waa la xiriira magacaabista Puntland ee guddiga doorashooyinka, iyada oo ra’iisul wasaare Rooble uu dalbaday in Puntland soo magacawdo guddiga oo Muqdisho loo soo diro, kadibna la wada hadlo wixii qaldana la saxo.

Halka Wararka la helay ay sheegayaan in Madaxweyne Deni uu shuruud ku xiray magacaabida Guddiga, islamarkaana dalbaday in la xaliyo arrinta Gobolka Gedo iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada ee muranka ka taagan yahay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku adkeysanaya in marka hore la fuliyo shirkii Muqdisho wixii lagu heshiiyay, arrinta Gobolka Gedo shir gaar ah looga hadlo, dhowaan shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada la qaban doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...