Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa, isaga oo kusii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wafdiga Madaxweyne Biixi ayaa waxaa garoonka kasii sagootiyay Wasiirro iyo mas’uliyiin kale oo ka tirsan Somaliland.
Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu la kulmi doona Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta, sida ay ii xaqiijiyeen ilo diblomaasiyaddeed oo sar-sare.
Warbaahinta Somaliland ayaa ku warramaya in madaxweynaha Muuse Biixi uu casuumaad ka helay dowladda Kenya, islamarkaana labada mas‘uul ay ka wada hadli doonaan qodobo isugu jira Siyaasad iyo Ganacsiga.
Safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ku soo aadaya, waqti xiriirka dowladaha Kenya iyo Soomaaliya uu sii xumaanayo, islamarkaana labada dhinac ay qaadayaan go’aano iska soo horjeeda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com