Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, xilli muddo xileedkooda sii dhamaanayo
Farriimo loo diray Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay in kulanka maanta oo ajandihiisa yahay akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021 iyo akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka dhismaha dhiiragelinta maalgashiga.
Golaha Shacabka ayaa muddo xileedkiiso ku eg yahay 27-da bishaan Decembere, waxaana ka hartay kaliyah 15 Maalmood.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u diiday in muddo xileedkeedu uu dhammanaayo ilaa laga helo Baarlamaankii badali lahaa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





