Tuesday, April 28, 2026
29.7 C
Mogadishu

Trump oo laga diiday dacwaddii uu u gudbiyay maxkamadda sare ee gobolka Texas

Washington (Halqaran.com) – Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Jimcihii diidday dacwad uu gobolka Texas u gudbiyay oo lagu rabay in lagu laalo codbixinti gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania and Wisconsin oo uu Biden ku badiyay.

Dacwadda gobolka Texas ayaa waxaa taageeray in ka badan 100 mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada, kuwaas oo rajo ka qabay in Maxkamadda Sare ay tuurto natiinada doorashadi madaxtinimada ee afar gobol oo ka tirsan Mareykanka oo uu ku guuleystay Joe Biden.

Go’aan kooban oo kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay, in Texas uusan sharci u laheyn inuu dacwad ka keeno kiis ka dhan ah gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania and Wisconsin.

Kiiskan ayaa waxaa talaadadi Maxkamadda Sare u gudbiyay Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Texas oo ah Jamhuuri, isla markiiba waxaa taageeray kiiska xeer ilaaliyaasha 19 gobol oo ka mid gobollada Mareykanka iyo 129 mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Congress ka.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa waxaa qaadi ka ah 9 garsoore oo 6 ka mid ahi yihiin Jamhuuri. Saddex ka mid ah waxaa magacaabay Trump, midkoodna kama uusan hadlin dacwaddaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...