Sh/Hoose (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska gorgor ayaa howlgal ka fuliyey deegaanka Ceel-Maracadde ee gobolka Shabeellaha hoose.
Saraakiisha howlgalkan hoggaamineysay ayaa waxa ay sheegeen inay howlgalka ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale, howlgalka inta uu socday ayaa saraakiisha waxa ay sheegeen inay ku burburiyeen Xarun ay Al-Shabaab lacagaha dad uga qaadi jireen iyo Maxkamad ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Maracadde ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War lagu daabacay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka Ciidamada ay ku dileen 17 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee aan howlgalka faah-faahin dheeraad ah laga bixin.
Ugu dambeyn, deegaanka mara-cadde oo ay ciidamada howlgalka ku fuliyaan ayaa ku yalla inta u dhexeeysa dhulka dhoobeeyda iyo dhanka xeebta ee degmooyinka Afgooye iyo marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





