Saturday, June 20, 2026
25.7 C
Mogadishu

DEG DEG: Qarax khasaare xooggan geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax xooggan oo Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Garoonka Aadan Cadde.

Warar ay helayso Halqaran News, ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaayad ku taalla meel aan sidaasi uga fogeyn Garoonka diyaaradaha.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu fuliyay qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray, kadibna isku qarxiyay maqaayad lagu magacaabo Jalaato Devino oo ku taalla waddada laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay uu gudaha u galay maqaayadda, halkaasina uu ku waxyeeleeyay dadkii ku sugnaa.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu qaraxaasi geystay, balse waxaa la sheegay inay dad badani ay ku dhinteen qaraxaasi.

Wixii faah-faahin ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...