Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

Akhriso: Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo ku sheegay hadalkii Cumar Filish mid colaad hurin & naceyb abuuris +(Baaq)

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii uu shalay sheegay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ee ahaa haddii bootada ay akhrinayaan musharrxiinta ay afkooda soo dhaafto in meeshii laga soo diray ay u carari doonaan.

War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay hadalkii Guddoomiye Cumar Filish, waxaana ay sheegeen in uu ahaa mid Colaad lagu hurinayo.

Golaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in farriinta ka timid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay dhab u qaadanayaan inay tahay hanjabad ka timid Madaxweyne Farmaajo, toosna ugu socota Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha.

“Golaha waxaa u cadaatay in hoggaanka dalka uu adeegsanayo tabihii Al-Shabaab ee xalaaleysiga dhiiga Shacabka Soomaaliyeed, iyada oo Diin loo adeegsanayao, si ula kac ahna uu hoggaanka dowladdda u hurinayo colaad, una abuurayo naceyb iyo xasarad Bulshada dhexdeeda ah gaar ahaan Shacabka Gobolka Banaadir‘‘ ayaa lagu yiri qoraalka baaqa ah ee musharraxiinta Madaxweynaha.

Haddaba halka hoose ka akhriso War-qoraalka Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...