Tuesday, April 28, 2026
28.6 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo abaal mariyay shaqaalaha Wasaaradda Duulista Hawada +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay Masuuliyiintii iyo howlwadeennadii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay xaqiijinta madaxbannaanida dalka, dowladnimada iyo sharafka Qarannimadeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sooyaalka dalkeenna ay baal dahab ah ka geli doonaan Muwaadin kasta oo door ku lahaa dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna, iyada oo jiilalka dambe ay tilmaansan doonaan shaqadaas waddaniga ah ee ay dalkooda iyo dadkooda u qabteen.

“Soo celinta Maamulka Hawada dalkeenna waxaa ay ahayd arrin aad u adag, madaama welwel badan laga qabay tayada howlwadeennadeenna iyo qalabka aan isticmaaleyno awooddiisa, laakin waxaa fikirkaas beeniyay Masuuliyiinta iyo khuburada Soomaaliyeed ee Duulista Hawada oo muujiyay karti iyo in ay daacad u yihiin masuuliyaddaas Qaran”.

Madaxweynaha oo guddoonsiiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Billad sharaf ayaa ku bogaadiyey howlwadeennada Duulista Rayidka sida ay muddo kooban gudohood ugu horseedeen in dalkeennu lagu ammaano dhanka Maamulka iyo Maaraynta Duulista Hawada.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoonsiiyay Shahaado Sharaf dhammaan Halyeeyadii ka soo qeyb qaatay Qorshaha Qaran ee Soocelinta Maamulka Hawada Soomaaliyeed, Howlwadeennada Hay’adda Duulista Rayidka ah iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Dhankooda, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ka warbixiyay horumarka dalka ee dhanka Duulimaadyada Rayidka ah iyo Amniga Garrommada Diyaaradaha, waxa ayna tilmaameen in Shirkado diyaaradeed oo caalami ah ay ku soo dhiirradeen adeegsiga Hawada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...