Tuesday, April 28, 2026
28.6 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo mashruuc horumarineed ka furay Baydhabo +(SAWIRRO)

Baydhabo (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xarigga ka jaray mashuuriic horumarineed oo dhinacyo badan, taasoo ay hay’adda Qatar Charity ka hirgalisay magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Mashaariicdan ayaa ka kooban Iskuul hoose, dhexe iyo sare, xarun qaabilsan Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, Foorno laga quudiiyo dadka danyarta ah iyo qeyb ganacsi iyo ceel biyo nadiif ah siiya dadka xaafadaha laga hirgaliyay mashruuca.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar fulinta mashaariicdan kala duwan ee waxtar ka u leh bulshada, gaar ahaan taakuleynta dadka danyarta ah ee awoodin helidda mashaariicda loo sameeyey.

“Mashaariicdan aan maanta xariga ka jarnay waxay isugu jiraan goobo Waxbarasho, Caafimaad, Ceel biyood iyo goobo lagu quudiyo danyarta, waxaan uga mahadcelinayaa dowladda Qatar taageeradeeda ku qotonta baahiyaha bulshada, ka dowlad ahaana waa naga go’an tahay gacan siinta bulshada”.

Munaasabadda furitaanka Mashaariicdan ayaa waxaa ka qeybgalay Danjiraha Dowladda Qatar Hassan Hamza Asad Hashem Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Wasirro iyo masuuliyiin heer federaal iyo heer gobol.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...