Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

Xiisad ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

Hiiraan (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in xiisad u dhaxeysa labo maleeshiyo beeleed ay ka taagan tahay deegaanka Xajiin Farayar oo 14km dhanka Koonfur Bari kaga beegan degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Labada maleeshiyo beeleed ayaa xiisadooda waxaa ay salka ku heeysaa dhul iyo dilal la xiriira aanooyin qabaiil oo horay uga dhacay deegaanka iyo deegaanno kale oo hoostaga degmada Matabaan.

Dadka deegaanka Xajiin farayar ayaa waxaa ay sheegeen in xiisadaan oo horay u jirtay ay soo cusboonaatay, kaddib markii maleeshiyaad hubeysan meel u dhow deegaanka Xajiin Farayar ay ku dileen Nin Shacab Xoolo dhaqato ahaa.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay gaareen halka xiisada ay ka taagan tahay, hayeeshee aysan weli ku guuleysan xalka gaaritsta xiisada u dhaxeysa labada maleeshiyo Beeleed.

Odayaasha Dhaqanka deegaanka Xajiin farayar ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya, Odayasha Dhaqanka labada Beelood iyo maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle inay xal ka gaaran colaad Beeleedyada degaankaas kusoo laab laabtay.

Si kastaba, dhowr jeer oo hore ayaa deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay dilal aanooyin qabiil ah iyo dagaal toos ah walow laga heshiiyay, balse sanad kasta ay dib u soo cusboonaadaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...