Tuesday, April 28, 2026
28.6 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ku biiray Shirka Musharraxiinta Madaxweynaha

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta ku biiray Shirka Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha ee maalintii Saddexaad ka socda magaalada Muqdisho.

Shirkan oo maanta la filayo in la soo gabagabeeyo ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya iyo cabashada ay ka qabaan musharraxiinta madaxweynaha guddiyada doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo muddooyinkii u dambeeyay dhaliilsanaa hoggaanka sare ee dalka iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxaed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si toos ah ugu biiray Shirka Musharraxiinta xilka Madaxweynaha.

Cabdi Xaashi ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa uu soo saaraya qoraallo is-dabjoog ah oo isugu jiray kuwo uu uga soo horjeeday Guddiyada doorashooyinka ee uu Magacaabay ra’iisul wasaare Rooble iyo kuwo uu ku magacaabayay Guddiyada doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee gobollada Waqooyi.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kulanka musharraxiinta ku soo bandhigay aragtidiisa ku aadan hanaanka lagu wado doorashooyinka, isaga oo markale ku celiyay in guddiyada doorashooyinka badi laga soo xulay Taliska NISA iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Shirkan musharraxiinta Madaxweynaha ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta la soo gabagabeeyo, walow warar soo baxay ay sheegayaan in waqti dheeraad ah lagu daray maadaama Xubno uu kamid yahay Guddoomiyaha Aqalka sare ay ku biireen Shirka, sidoo kalena la filayo inay ku biiraan Xubno kale oo mucaarad ah oo ay musharixiinta dalbadeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...