Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

RW Rooble ”Xukuumaddayda waxaa saldhig u ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed oo…”

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kormeer shaqo ku tagey xarumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso tayaynta hay’adaha Garsoorka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay dadaal ku bixinayso sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahayd hannaan caddaaladeed oo hufan, isagoo warbixinno la xiriira howllaha adeeg ee ay u hayaan bulshada ka dhageystay masuuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda, Maxkamadda Sare, Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida, Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Eng. Rooble ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddiisa uu aas-aas u yahay hagaajinta hannaaanka caddaaladda, isagoo kula dardaarmay howlwadeennada Wasaaradda iyo dhammaan xarumaha Garsoorka in shacabka Soomaaliyeed loogu adeego si daacadnimo ku jirto oo ka fog musuqmaasuq iyo eex.

“Xukuumaddayda waxaa saldhig u ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed oo la isku halayn karo, anigoo fahmi kara duruufaha adag ee aad ku shaqaysaan, hadana waxaan la idinka rabaa inaad ka fogaataan wax walba oo keenaya musuqmaasuq, bulshadana ugu shaqeysaan si caddaalad ah”.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qaybgalay dhageysiga Garmaqal ka socday Maxkamadda Gobolka Banaadir, taasoo u dhaxeysay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...